Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Maxkamadeed Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sawirka.jpg

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas, isla markaana waxaa Guddoomiyihii Maxkamadda Shabeellaha Hoose u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad, xili uu ku sugnaa gudaha degmada Wadajir.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Siciid Cumar Xasan Subeyr, waxaana si deg deg ah goobta uu falka ka dhacay uga baxsatay kooxihii ka dambeeyay dilkaas.

Intaasi kadib ayaa waxaa halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, isla markaana waxaa ay sameeyeen baadhitaano kooban oo ku aadan dilkaas, hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falka.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kaga hadlayaan dilkii loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this