Sign in to follow this  
Deeq A.

Duufaanta Monsoon Oo Dad Badan Ku Dishay Dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mumbai)-Roobab xooggan oo ka dhashay duufaanta Monsoon ayaa dad badan ku dilay waddanka Hindiya, waxaana sidoo kale go’ay dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada Mumbai.

1562101089a2846-1024x653.jpgCommuters walk on waterlogged railway tracks after getting off a stalled train during heavy monsoon rains in Mumbai, India, July 2, 2019. REUTERS/Francis Mascarenhas – RC1A8A3DC920

Dhisme ku dumay magaalada ayaa waxaa ku dhintay 27 qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale hakad ku yimid isku socodkii gaadiidka kadib markii ay burbureen wadooyinka tareenada iyo gawaadhidu Adeegsadaan.

Shacabka magaalada Mombai ayaana 24-tii saac ee la soo dhaafay iskaga xayiran Guryahooda.

Dhanka kale dhowr qof ayaa la soo tabinayaa inay dhinteen kadib markii uu dumay gidaar iskuul oo ku yaalla magaalada Kalyan oo 42 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Mombai.

Waaxda saadaasha hawada Hindiya ayaa sheegtay in laga yaabo in roobabka ay ka sii da’aan gobolada kale ee saaran Xeebaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this