Sign in to follow this  
Deeq A.

Hudheel Hargeysa Ku Yaalla Oo 120 Habeen kadib Laga Qaaday Xayiraad Saarnayd Qayb Kamid Ah Saacadaha Uu Shaqeeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xayiraadii ka qaaday Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, oo ay 03 Jan 2019 saartay xayiraad kooban oo ahayd in hudheelka la xidho 6-da makhribnimo taasi oo ka danbaysay eedo been abuura oo hudheelka laga gudbiyey. Maxkamada Gobolka Hargeysa oo mudo lix bilood ah uu ka socday kiiska dacwada eedaha loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ayaa kusoo gabgaboobay in waxba lagu waayey.

libaaxyadda.jpeg

Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyey in kiiskii lagu soo eedeeyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex xukun kasoo saartay, kaasoo ay ku cadaysay in waxba lagu waayey eedihii loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, ee ay ku xayirtay markii hore.

Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo u mahadnaqay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa gabagabadii waxa uu soo bandhigay nuqul kamida xukunka maxkamadu kasoo saartay kiiska Hudheelka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this