Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Algeria Oo Is-Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Al-jaris)-Guddoomiyahii Baarlamaanka Al-Jeeriya Mucaad Bouchareb ayaa xilka Iska casilay, sida uu baahiyay Tv-ga Ennahar.

15620890604419d.jpg

Arintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ee magaalada Al-Jaris.

Guddoomiyaha baarlamaanka Al-Jeeriya ayaa hore wacad ugu maray in uu xilka ka dagayo muddo sadex bilood ah, balse waxaa arintaas ka biyo diiday dibadbaxayaasha oo sheegay in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii tallada laga Tuuray.

Guddiga doorashada ayaa hakiyay doorashada madaxtinimo oo la filayay in la qabto 4-ta bishan kadib markii la waayay murashax Loolama.

Dhanka kale war saxaafadeed ka soo baxay xarunta baarlamaanka ayaa si ku meel gaadh ah xilka loogu magacaabay Terbech Abderazak.

Labadii bishii April ayey aheyd markii dibadbaxayaasha Al-Jeeriya ay ku qasbeen in uu xilka ka dago madaxweynihii hore, Cabdi Casiis Butafliiqa oo dalkaasi maamulayay 20-kii sano ee la soo Dhaafay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this