Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre “Waxaan Codasanayaa In La Joojiyo Dagaalllada Matabaan” (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, iney joojiyaan dagaalladaasi.

Wuxuu sheegay in cid walbo oo gacan ka geysan karta joojintan dagaalladan waajib ka saaran yahay iney ku baxdo.

Kheyre ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii dagaalka, islamarkaana la galay xilligii nabadda iyo midnimada.

Dib u dhiska dalka ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo si loo gaaro horumar.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka dhashay dagaal beeleed ka socda deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Reysalwazaare-kheyre.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this