Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka SHabeellaha hoose oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa laga soo xigtay in magaalada Muqdisho lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Shabeellaha hoose Siciid Cumar Xassan (Subeyr).

Laba in oo mindiyo ku hubaysan ayaa sida la sheegay guddoomiyaha ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kadib markii ay murmeen marxuumka iyo labada nine ee mindiyaha ku weerartay inkastoo aan la sii faahfaahin waxa murankaasi la xiriiray.

Guddoomiye Subeyr oo iska caabbin sameeyay ayaa sida la sheegayo toogtay mid kamid ah raggii mindiyaha ku weeraray kaasi oo markii dambe u dhintay dhaawac culus oo gaaray.

Warbaahinta ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka duwantahay dilalkii hore loogu yaqaannay magaalada Muqdisho oo inta badan loo adeegsan jiray bastoolado iyo qoryaha fudud marka laga reebo qaraxyada halkaasi ka dhaca.

Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa 5-tii Agoosto 2018-kii xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xassan Sheikh Aadan waxaana uu xilka hayey mudda hal sano ah.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka SHabeellaha hoose oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this