Deeq A. Posted July 3, 2019 Tripoli (Caasimada Online) -Ugu yaaraan 40 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday gudaha dalka Libya, halka ay ku dhawaacmeen 80 kale, kadib markii ay Madaafiic ku habsatay meel lagu xiro soo galootiga oo ku taalla dalkaasi. Xarunta la duqeeyay ayaa ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya. Dadka dhintay ayaa inta badan ka soo jeeda dalalka Qaaradda Africa, sida Sudan, Eretria iyo Somalia. Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa ku warramaya in muhaajiriinta geeriyooday ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo aan weli tiradooda la shaacin. Cusmaan Cali Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Libya ayaa u sheegay wakaallada AFP in dhismaha uu weerarku ka dhacay ay xirnaayeen 150 Maxbuus 35 kaliyana la helay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in tiro intaas ka badan ay ku hoos jiraan dhismaha, islamarkaana ay weli wadaan gurmad xoogan. Dowladda ay aqoonsan tahay QM ee Libya, fadhigeeduna yahay Tripoli ayaa weerarkan ku eedeysay dagaal oogaha dalkaasi Khaliif Xaftar. Balse afhayeen u hadlay Generaal Xaftar ayaa diiday eedeyntaasi, isagoona waxba kama jiraan ki tilmaamay warkaasi. Libya waxaa la dagal dagaallo sokeeye iyo kala qeybsanaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheeraa Mucamar Al-Qadaafi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Tripoli caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites