Sign in to follow this  
Deeq A.

Soogalooti lagu xasuuqay dalka Libya

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 40 ruux ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xarun lagu hayo dadka Soogalootiga ah oo ku taalla waddanka Libya sida laga sooo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Ilaa 80 qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay xarunta oo ku taalla bariga degaanka Tajoura oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Duqeynta ayaa waxa geystay ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraalka Hawl-gabka ah ee Khaliifa Xaftar sida Warbaahinta Carabtu ay ka soo xigteen saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha ee Libya.

Saraakiisha ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku dhintay ay u badnaayeen Soogalootiga Afrikaanka ah oo sannadihii u dambeeyay ay marin-ka dhigtay dalka Libya si ay uga sii tahriiban waddamada Yurub.

Waddanka Libya waxaa kala qeybiyay rabshado iyo dagaallo tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011-kii.

PUNTLAND POST

The post Soogalooti lagu xasuuqay dalka Libya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this