Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulansan mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga ayaa saaka la kulansan mas’uuliyiiin ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo xubno kamid ah ganacsatada waddankaasi.

Mudane Axmed Karaash oo safarkiisi ugu horreeyay dalka uga baxay tan iyo markii la doortay  ayaa sii maray waddanka Djibouti halkaasi oo uu kaga qeyb-galay xuska maalinta Xorriyadda Djibouti oo ku beegan 27 bisha June.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka  ayaa mudada uu safarka ku joogo dalka Imaaraatiga waxaa la filaya in uu sii wado kulamada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Imaaraadka iyo ganacsatada waddankaasi.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulansan mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this