Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Hoose oo Mindi lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay gudaha degmada Wadajir, waxaana Marxuumka loo geystay lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Xasan oo la yaqaanay (Zubeyr).

Wararka ayaa sheegaya in dilka guddoomiyaha loo adeegsaday Mindi, kadib markii ay soo weerareen labo nin oo ku hubeysnaa Tooreeyo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Marxuumka dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi, balse markii dambe uu u geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha oo watay Bistoolad uu dhaawacay mid ka mid ah Raggaasi, kaas oo isna u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Warar kale oo aan helnay waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha geeriyooday iyo labada nin ay murmeen, taas oo keentay inuu yimaado gacan ka hadal.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhacadaasi.

Dhanka kale hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaloya ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan sidii ay wax u dhaceen.

Dhacdadan ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this