Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal arrin oo ciidamada DF ka hor-taagan qabsashada degaanka Bariire (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3-dii bil ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya waxay ku cel celisay in ay Al-Shabaab ka qabsatay degaanka Bariire ee gobalka Shabeelada Hoose islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu haayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM balse waxaa la ogaaday in degaanka aysan gelin Ciidamada Dowladda sidoo kalane aysan Al-Shabaab ku sugneyn.

Degaanka Bariire oo ka tirsan degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeelada Hoose ayaa Ciidamada Dowladda waxay ka joogaan meel 4 KM u jirta degaanka waxayna ka sokeeyaan Buundada Bariire.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay mar mar soo galaan Suuqa iyo Xaafadaha Bariire kadibna ay duqeyn ka soo ridaan waxaana u jawaaba Ciidamada AMISOM. Duqeymaha ka dhacaya Bariire waxay sababeen in xaafadahooda ay ka qaxaan shacabkii daganaa oo hadda muddo 3 bil ah ku nool degaano iyo degmooyin kale.

Ciidamada Dowladda in ay galaan Bariire waxaa ka xiga 4 KM waxaana been noqday warar ay sheegtay Dowladda Soomaaliya kuwaas oo ahaa in Al-Shabaab laga qabsaday Bariire.

In Ciidamada Dowladda ay gali waayaan Bariire waxaa sababay hal arin oo ah in ay go’antahay Buundada Bariire oo sanad ka hor Al-Shabaab ay ku xigeen Qarax kadib dhowr jeer oo la soo weeraray.

Guddoomiyaha degmada Owdheegle Maxamed Yarow ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dowladda aysan u gudbin gudaha Xaafadaha iyo Bartamaha degaanka Bariire balse waxa uu sheegay in ay lug ku tagi karaan Xaafadaha Bariire kadibna ay ka soo laabtaan.

Yarow Waxa uu meesha ka saaray in Al-Shabaab ay ka taliyaan Bariire isagoo rajo wayn ka muujiyay in ay dhowaan gudaha u gali doonaan Xaafadaha Bariire ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Si walba, waxa laga hadlayo oo ay Dowladda Soomaaliya ku faaneyso qabsashadiisa waa degaanka Bariire oo qiyaastii 38 KM u jir magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Sheekada ayaa u muuqata 2 sano iyo 2 tuulo oo kala Sabiib iyo Caanoole maadama aysan wali si buuxda ula wareegeen degaanka Bariire.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this