Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Dalka Gini (Guinea)+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Conakry-)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maalintii shalay safar shaqo waddanka kaga ambo-baxay, ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

175EDB98-0BFB-4D84-BC3E-E223265719E3-102 F20D1F36-BCE6-494D-AAD8-1D3C06D2EE3C-102 CAB96FEA-5326-4F7E-A035-E14304D21FDB-102 6AEF50B7-21F8-4572-8E1C-8142A77691D2-102 6732B51E-27E9-4617-818F-8819E9897330-102 4C47E752-A393-4F20-B705-CA4C105CDBB4-102 5FA8BC00-C79A-4B57-8204-A70E1F082602-102 55E71381-8846-424B-8B34-7926D9760022-102 AD2266BF-36D0-4654-8472-5CE1F36899A3-979 6ECAB4AA-41C5-4F15-94FB-288D1F51E067-102

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka.

Intaa kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this