Deeq A. Posted July 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gaari Dhayno ah oo ay la socdeen dad shacab ah uu helaalay qarax Miino. Baabuurka oo ka baxay degmada Afgooye ayna saarnaayeen ganacsato Caanaha ah ayay Miinadu ku kacdey inta u dhaxeysa degaanada Moori iyo Lamber 50. Warbixinada ayaa sheegaya in saddex ruux oo uu ku jiro darawalka gaariga ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen saddex kale. Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose wali kama aysan hadlin dhacdadan, oo aysan sidoo kale jirin koox sheegatay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites