Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Eritrea Oo La Kulmay Ku Xigeenka Hogaamiyaha Milatariga Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Eritrea)-Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa aqalka madaxtooyada dalkaasi kulan kula yeeshay ku xigeenka hogaamiyaha golaha milatariga ku meelgaadhka ah ee dalka Sudan, Lt Jeneral Maxamed Xamdan Daglo.

D-eoQaeWsAAEzxz-1024x683.jpg

Weftigan ka socda dalka Sudan ee martiqaadka ka helay Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalkan ay jaarka yihiin ee Eritrea, waxaanu Madaxweyne Isaias Afwerki ay ka wadahadleen xaalada dalka Sudan uu ku sugan yahay wakhti xaadiran.

Isagoo Madaxweynaha dalka Eritrea ku booriyey in dalka la dajiyo oo si nabada iyo xasiloonida dalkaasi aanay faraha uga bixin, waxaanu balan qaaday madaxweynaha Eritrea in dhiniciisa uu gacan ka geysan doono wixii looga baahdo inuu la qabto dalka Sudan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this