Deeq A. Posted July 2, 2019 Baardheere (SMN) – Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta madaxii hay’adda Life Line Gedo ay ku dileen gudaha gobolkaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Aadan Barre ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku toogteen agagaarka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Shabaab ay wateen howlwadeeno kale oo ka tirsanaa hay’addaasi. Lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Maxruum Aadan Bare oo mas’uul ka ahaa Life Line Gedo oo ah hay’ad Samafal ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Baardheere oo ku aadan dhacdadaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites