Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Sababo Ay U Joojisay Kulan La Xadhiidhay Soomaaliya Oo Lagu Qbanayay Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumada somaliland ayaa joojisay kulan lagu xidhiidhiyey soomaaliya la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Hargeysa.

War ka soo baxay wasaarada qorshaynta somaliland ayaa lagu soo bandhigay sababo ay xukuumadu u joojisay kulan lagu tala galay inuu Hargeysa ka dhaco kaas oo qayb ka ahaa mashruuca SSF(Somalia Stability Fund).

Warka ka soo baxay wasaarada qorshaynta ayaa u dhignaa sidan

“Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga sababahan dartood.

1.Mashruuca SSF(Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan.

2.SSF wax ogolaansho ah kama haysato dawlada somaliland kaas oo ay ku qaban karto kulankan.

“Dawlada somaliland waxay ku wargelinaysaa xoghaynta SSF inay masuul ka yihiin in ka qayb galayaashii kulankan ay si nabad ah ugu celiso meelihii ay ka yimaadeen.

Dawlada somaliland diyaar ayey u tahay inay soo dhawayso kulan kasta oo aan ka horimanayn sharciyada u taala dalka, balse ma aqbali doonto kulan kasta oo la xidhiidha soomaaliya, arimaha soomaaliya waxa lagaga hadli karaa dalkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this