Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab is-abaabulay oo soo furtay 11 caruur ah oo Al-Shabaab ay afduubteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Maxamuud Cali Afrax oo ah sarkaal ka tirsan Kooxda Macaawiisley ee ah shacabka is abaabulay ee ka dagaalama gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay soo furteen illaa 11 Caruur oo gacanta ugu jiray Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen tuulada Xaaji Cali oo hoostagta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Caruurtan ay silsilado iskula xirnaayeen, islamarkaana si qasab ah looga kaxeeyay Waalidiintooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka war helnay inay jiraan caruur Al-Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan, balse markii ay ka war heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan ka war helnay arrinkaas waana soo furanay” ayii yiri sarkaalkan.

Maxamuud Cali Afrax ayaa intaasi ku daray in ay sii kordhin doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab, kana saari doonaan deegaanada maamulka HirShabelle.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

24-kii bishan ayey aheyd markii Kooxda la magac baxday Macaawiisley ay shaaciyeen in Al-Shabaab ay ka soo futeen in ka badan 30 qof oo u xirnaa, kadib dagaal ay kula galeen agagaarka magaalada Buulo-Burte gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay deegaanada maamulka HirShabelle, waxaana ay dagaal adag ay kula jirtaa Al-Shabaab.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this