Deeq A. Posted July 2, 2019 Beledweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa ku warramayaa in maanta dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato AH uu ka dhacay deegaano dhaca bariga gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu ka qarxay deegaanada Garisyaani iyo Booca oo hoos yimaada M/Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii dadka xoolaha dhaqatada ay ka biyo diideedn Zakawaad ay weydiisteen Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahy dagaalkaasi oo qaatay muddo saacado ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites