Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo sawirrada: Kheyre oo si rasmi ah ula wareegay ciidamada AHLU-SUNNA

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta si rasmi ah ciidamadoodii ugu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu wareejiyay ciidamadaasi ayaa lagu qabtay xerada qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Waxa xafladda goob joog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada Xoogga, Booliska, Asluubta iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay tallaabada ay qaatay Ahlu-Sunna Waljaamaca.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay soo wareejiyeen la qarameyn doono, islamarkaana ay heli doonaan tababaro dheeraad ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis gaar ah oo ay kala saxiixdeen xukuumadda Soomaaliya iyo Ururkii Ahlu-Sunna ee ku biiray maamulka Galmudug.

Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen ciidamadani ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa ka howlgali doono ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Isbedallada ka dhacay deegaanada Galmudug oo ah kuwa aan la filaneyn ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan doorasho ay ka dhicin doonto maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

99.jpg 10.jpg 22.jpg 33.jpg 44.jpg 55.jpg 77.jpg 88.jpg998.jpg0.jpgCaasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this