Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbax xooggan oo lagu diidan yahay hadalkii Kheyre oo ka socdo Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inuu halkaas ka bilowday banaanbax xooggan oo looga soo horjeedo hadalkii uu Ra’isulwasaare Kheyre kaga dhawaaqay Dhuusamareeb oo ahaa in Magaaladaas ay ka dhaceyso doorashada iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Banaabaxa oo ah mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalayo dadka Magaalada, Odayaal dhaqameedyada iyo Ganacsatada Cadaado.

Dibadbaxayaasha ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah hadalkii uu Ra’isulwasaare Kheyre ka sheegay Dhuusamareeb kadib heshiis dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda.

Qaar ka tirsan Odayaasha Cadaado oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya cadaalad darro ku sameysay Magaalada Cadaado.

Sidoo kale odayaasha ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay kaga baxday ballan ay wada galeen taasina ay tahay mid aysan aqbalin karin Cadaado sida ay hadalka u dhigeyn.

Dadka ka hadlay banaanbaxa ayaa dowladda ugu baaqay inay si deg deg ah kaga noqoto  go’aanka ay gaartay oo ah in Doorashada iyo Shirka dib u heshiisiinta ay labaduba ka dhacaan Magaalada Dhuusamareeb.

Wixii warar ah ee kusoo kordha banaanbaxa socdo kala soco Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this