Deeq A. Posted July 2, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha Booliska iyo kan Asluubta ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaasi. Ujeedka socdaalka taliyeyaashan ayaa la xariira heshiiskii Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna iyo amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u gaareen Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda Soomaaliya. Dhawaaan ayaa lagu wadaa in shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashada maamulkaasi lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites