Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Mareykanka Ku Lahaa Dalka Tunisia Oo Maanta La Xidhay Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tunis)-Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa lagu sheegay inay Safaaraddu maanta xidhnaan doonto, marka laga reebo Adeegyadda Deg-dega ah.

Tunisia_Tunis_EXT1_944_1-750x430.jpg

Safaaraddu waxay kaloo sheegtay in sababo dhanka ammaanka darteeda maanta loo xidhay Safaaradda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay, kadib markii ay 2 weerar oo Isqarxin ah ay Khamiistii la soo dhaafay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda faransiiska ku leeyahay magaalladda Tunis.

Kooxda Daacish ayaana sheegatay mas’uuliyadda Is-qarxintaasi, oo uu hal Sarkaal Bolis ku geeriyooday, 8 kalena ku dhaawacmeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this