Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Dani “Dowladda Federaalka Dhex-dhexaad Haka Noqoto Doorashooyinka Jubbaland Iyo Galmudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya, iney dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Jubbaland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay in dowladda horey magacyo xun uga raaceen doorashooyin dalka ka dhacay loona baahan yahay iney hadda meel gees ah ka istaagto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dani ayaa tilmaamay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay la shaqeynta dowlad goboleedyada, sidoo kalena ay iska ilaaliso wax walbo oo dalka khilaaf u keeni kara.

Galmudug iyo Jubbaland ayaa dhowaan waxaa la filayaa iney ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxtinimo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/madaxweynaha-Puntiland-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this