Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xildhibaanno Sheegay In Lagu Fashilmay Xal Ka Gaarista Maamulka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Hirshabelle oo warbaahinta kula hadlay magaalada B/weyne ayaa sheegay iney walaac xooggan ka qabaan xaaladda magaaladaasi, sidoo kalena guddigii dhowaan Muqdisho ka tagay ku fashilmeen xallinta maamulka gobolka Hiiraan.

Waxay sheegeen in markii ay yimaadeen xildhibaanno Federaalka ah qaarkood ay raadkooda dhumeen, islamarkaana aanay arag wax natiijo ah.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in dowladda dhexe looga baahan yahay ineysoo farogeliso xaaladda gobolka Hiiraan.

Wixii ka dambeeyey markii uu madaxweyne Waare xilka ka qaaday guddoomiye Dabageed waxaa jira khilaaf xooggan, iyadoo Yuusuf Dabageed diiddey inuu xilka wareejiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaano-hirshabeele.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this