Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Lafta-gareen Oo Sheegay In Xasilooni Siyaasadeed Gaarsiinayaan Deegaannada K/galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa sheegay in deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo gaarsiin doonaan xasilooni siyaasadeed.

Wuxuu sheegay Lafta-gareen iney go’aan ku gaareen ka maamul ahaan in dowladnimada la daadejiyo, dadka ku dhaqan degmooyinkana ay u suurtageliyaan iney doortaan cidda ay rabaan.

Maamullada deegaannada K/galbeed ayuu sheegay in lagu sameynayo dib u habeyn iyo qorshe, lagana shaqeynayo isdhexgalka bulshada.

Lafta-gareen ayaa ka dalbaday shacabka K/galbeed iney kala shaqeeyaan sidii horumar loo gaarsiin lahaa deegaannadooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/laftagareen-.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this