Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah  ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed taliyaha Militariga S/Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Asluubka S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac  oo ay waheliyaan saraakiil kale ayaa ku sii jeeda Dhuusamareeb kadib markii la isla ogolaaday in ay halkaasi ka hawlgalaan ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan cali Khayre iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Shiekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa habeen ka hor magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in dhammaan hay’adaha amniga ee dowladda federaalka ay ka hawl geli doonaan magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxay sheegeen in Gogosha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug labaduba ay ka dhacayaan Dhuusamareeb hadalkaasi oo ay ka soo horjeesteen madaxda Dhaqanka magaalada Caadaado ee gobolka Galgadood.

PUNTLAND POST

The post Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this