Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaasha Ciidamada DF oo Maanta tagayo Dhuusamareeb si ay ula wareegaan Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku sii jeeda taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladdda federaalka Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta ayaa saacaha soo socda gaari doona magaaladaasi.

Caasimada Online ayaa ogaatay inuu socdaalkooda la xariiro heshiiska Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa lagu wadaa in maanta Qalinka lagu duugo, islamarkaana la dhameystiro.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyeyaasha ciidamada ee ka socda dowladda federaalka ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna si loo qareemeeyo.

Sidoo kale hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa la wareegaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u wada gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan lagu qaban doonaa shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo doorashada guud ee maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this