Deeq A. Posted July 2, 2019 Nairobi (Caasimadda Online) – Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Dalka Kenya Kamau Macharia ayaa xiisadda Soomaaliya iyo Kenya gaarsiisay meeshii ugu sareysay. Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji, ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal, kaasoo loo arkayay culeys siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku saareysay Kamau Macharia ayaa Twitterka ka tiray warbixintii muranka dhalisay ee uu ku sheegay inay Somaliland tahay mid ka madax banaan Soomaaliya iyo dhammaan macluumaadkii kale ee la socday. Diplomaasigaan oo wax laga waydiiyey xiisadda uu sii huriyey ee Kenya iyo Soomaaliya isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka Kenya ee Kenyans.co.ke ayuu sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo warbixintaas muranka dhalisay. Kamau Macharia wuxuu kamid yahay Siyaasiyiinta inta badan ka shaqeeyo hurinta xiisada dimlomaasiyadeed ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna hadda ka hor soo qoray waxyaabo meel sare sii gaarsiiyey Xiisadda siyaasadeed ee labadaan dal ka dhaxeyso. Diplmaasigaan ayaa horey usoo noqday Wakiilka Kenya ku matalo Hey’adda Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweynaha Guddiga fulinta ee Sanduuqa badbaadada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Kenya u jooga Somalia Lucas Tumbo u gudbisay qoraal cabasho ah oo ka dhan ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal. Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites