Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxaha Islaamiyiinta Suudaan Oo Caqabado Waajahaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Iyadoo mudaaharayada Suudaan ee looga soo horjeedo millatariga xukunka dalkaasi xoogga ku qabsaday ay sii socdaan, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxey u muuqdaan inay la halgamayaan inay talo ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalkaasi.

F7289B18-7CA6-4D7D-9574-0F62C9E74932_w10

Kooxaha Islamiyiinta Sudan ayaa door muuqda ku lahaa afgambigii 1989kii uu xukunka ku qabsaday Madaxweynihii 30 sandood dalkaasi soo xukumayay ee la riday Cumar Xassan al-Bashiir.

Laakiin xiriirka ay Al-bashiir la lahaayeen mudada dheer ayaa ku cusleeyay xisbiyada Islaamiyiinta Sudan inay cod muuqda ku yeeshaan gorgortanka siyaasadeed ee hadda dalkaasi ka socda, waxeyse doonayaan inay qeyb ka noqdaan xukumad rayid ah oo ku meel gaar ah oo ay Sudan yeelato.

Ka dib ku dhawaad mudahraadyo afar bilood ka socday Sudan oo looga soo horjeeday al-Bashiir, ayey dibad baxayaashu awood u yeesheen inay xukunka ka tuuraan bishii April ee sanadkan.

Kuwii dibadbaxa hormuudka ka ahaa ayaa ku shaabadeeyay ururada Islaamiyiinta inay la jireen al-Bashiir

Waxaa kaloo ay qabteen Islaamiyiinta dibad baxyo ay ku taageerayeen militariga wadankaasi xoogga ku maamula.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this