Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo oo u geeriyooday qaraxii shalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegaya in uu halkaasi ku geeriyooday taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble oo gelinkii dambe ee shalay ku dhaawacmay qarax lagu xiray gaarigiisa.

Taliyaha ayaa gaarigiisa la qarxay shalay galab xilli uu marayey jidka Soddonka ee koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus iyadoo markiiba loola cararay isbitaalka halkaasi oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday.

Ciidamada Amniga Galmudug oo hawlgallo ka sameeyay xaafadaha magaalada ayaa sheegay in aysan weli cidna u qaban balse malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo oo u geeriyooday qaraxii shalay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this