Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Bashiir Raage oo hanjabaad soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar, sidoo kalane ka tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa fariin hanjabaad ah u diray dowladda Kenya oo muran gelisay qayb kamid ah Badda Soomaaliya.

Bashiir Raage Shiiraar oo caan ku ahaa dagaaladii Soomaaliya ee Isbaheysigii la dagaalanka Argigixisada ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto riyo maalmeed laakiin ay ka dhaxli doonto in ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo jeestaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

“Dadka waxay riyoodaan markii ay hurdaan habeenkii laakiin Kenya waxay riyooneysaa maalin cad oo barqa ah balse waxay ka toosi doontaa markii ay Ciidanka Soomaaliyeed ka soo jeestaan Nairobi” ayuu yiri Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka hadlay damaca Kenya ee Badda Soomaaliya.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiinta, masuuliyiinta qaranka ee xilalka haaya iyo kuwii hore ayuu ka dalbaday in loo midoobe damaca iyo riyo maalmeedka Kenya oo halis ku ah Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Bashiir Raage Shiiraar.

“Qof kasta oo Soomaali ah waxaan kula talinayaa in xoog iyo fikir wixii uu haayo uu kaga qayb qaato iska celinta dowladda Kenya” ayuu yiri Bashiir Raage oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale Bashiir Raage Shiiraar ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhanka ammaanka iyo siyaasadda isagoo sheegay in ay Soomaaliya ku jirto xaalad soo kabasho ah.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa soo kabasho amaanka iyo siyaasadda ah, wax kastana labadaas ayaa laf dhabar u ah” ayuu yiri Bashiir Raage. “dhaqaalo xumo ayaa jirta laakiin waa laga bixi doonaa waa in la samara” ayuu hadalkiisa sii raaciyay siyaasiga iyo ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this