Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrin kusoo korortay dhex dhexaadintii Dabageed iyo Waare lagu dhex waday

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii uu madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) hase yeeshee uu kasoo horjeestay xilka qaadistaas.

Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle ayaa ku guda jiray xalinta xiisadaas, waxaana ay ku dhawaaqeen inay fashilmeen wdahdaladaas, kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday Baladweyne.

Wasiir ku xigeenka beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) iyo Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Cumar Wadaad Yare oo shir Jaraa’id ku qabteen Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in 20 Maalin kadib aan wax natiijo ah laga gaarin xalinta xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Xildhibaanada labada Aqal Gobolka Hiiraan ku matala iany xiisadaas soo farageliyaan, isla markaana xiisada ay haatan mareyso meeshii ugu xumeed.

Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this