Sign in to follow this  
Deeq A.

Raadraaca Sooyaalka 18-ka May Qaybtii 22aad

Recommended Posts

Deeq A.   

23-kii Feb 1997, 7:30 subaxnimo ayaa Guriga Shaqaalaha oo ahaa goobtii foodku ka dhacayey lagu soo sunsumay oo la isugu yimi. Cismaan oo maalintaas Guriga Shaqaalaha joogey ayaan wax ka weydiiyey sidii wax u dhaceen, yidhina, “Maxamuud Xaashi Cabdi oo markaas dambe maamulka ololaha u qaabbilsanaa Saleebaan ayaa ka hor tegey Saleebaan oo gaadhi ka soo degaya, kuna odhanaya, ‘waa la ina wataa’. Saleebaan baa yidhi, ‘oo maxaa dhacay?’ Maxamuud baa ugu jawaabey, “xalay baa ergooyinkii muska looga dhacay oo la dareersaday’, Saleebaanna ugu warceliyey, ‘oo ma iyadaa khudbaddii guuldarraduba ii qoran, tii guusha uun baan sitaaye, maxaa la yeelayaa?’

300 oo ergooyin ah ayaa shirkaas ka soo qayb galay. Codbixintii oo gacan-taag ah ayaa la galay. 91 cod oo keli ah ayuu Saleebaan Maxamuud Aadan helay. Cismaan Abokor oo khudbaddii guusha ee Cigaal ka mid ahaa dadkii tooska u dhegeysanayey ee Cigaal hor fadhiyey ayaa yidhi, “Cigaal waxa uu akhriyey khudbad dheer oo qayb ka mid ah uu kaga hadlayey raaskiisa Reer Qaasaalli, isaga oo dhinaca kalena madasha u sheegay in 91 ka ergey ee Saleebaan u foodety yihiin muwaaddiniin xalaal ah, waayo buu yidhi, ‘inta kale lacag bay iga qaateen’.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo markii labaad ku guuleystey doorashadaas madaxweynennimo, waxa madaxweyne ku xigeen u noqday Daahir Riyaale Kaahin, waxanu Cigaal soo dhisay xukuumaddii ugu cuslayd marka la eego ragga uu soo xushay, uguna dheellitirka wanaagsanayd marka la eego xukuumadihii ka horreeyey iyo kuwii ka dambeeyey ilaa eeggan. Waxa uu guddi u saaray ka soo baaraandegta shuruudaha lagu soo geli karo golaha wasiirrada.

Golihiisa wasiirrada ee Cigaal soo xushay 1997:
1. Maxamuud Saalax nuur, AHN: Arrimaha Dibedda
2. Maxamed Cabdi Gaboose: Arrimaha Gudaha
3. Axmed Maxamed (Siilaanyo): Maaliyadda
4. Rashiid Xaaji Cabdillaahi: Gaashaandhigga
5. Prof Daahir Maxamed Yuusuf: Waxbarashada
6. Maxamed Siciid Gees: Qorshaynta
7. Yaxye Xaaji Ibraahim: Beeraha
8. Dr Maxamed Muuse Cawaale: Deegaanka
9. Cumar Maygaag Samatar: Warfaafinta
10. Dr Axmed Xaashi Oday: Xannaanada Xoolaha
11. Eng Axmed Maxamed Biixi: Macdanta iyo Biyaha
12. Prof Maxamed Cabdi Dhimbiil (Galbeedi): Caddaaladda
13. Eng Yuusuf Caynab, AHN: Hawlaha Guud
14. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal): Dib-u-dejinta
15. Maxamed Qaasim: Ganacsiga
16. Jaamac Saalax Axmed, AHN: Madaxtooyada
17. Cali Sh. Ibraahim Aaraye: Dhaqanka iyo Ciyaaraha
18. Cabdillaahi Maxamed Ducaale: Gaadiidka Cirka iyo Badda
19. Dr Cabdi Aw Daahir, AHN: Caafimaadka
20. Sheekh Maxamed Aayatullaahi: Diinta iyo Awqaafta.

Sida ka muuqata xukuumaddan uu Cigaal soo dhisay waxa ku jira xubno wasiirro ah oo culculus oo ka mid ahaa garabkii taageersanaa Saleebaan Maxamuud Aadan si uu isugu hayo dadka iyo dalka, taasi oo muujinaysa bilayska iyo ballaadhnidii siyaasadeed ee Cigaal. Marka la eego tayada iyo waaya-aragnimada nimankaas wasiirrada noqday haddana maxsuulkii hoggaamintooda ka soo baxay waxa u yeeshay saluug badan, wax naf lehna hore uma ay dhaqaajin hawlihii u yaalley oo ay ugu muhiimsanayd noolaynta iyo xoolaynta wasaaradihii ay gacanta ku hayeen. Sababaha ay taasi u dhacdayna waxa lagu tiriyaa jug weyn oo dhaqaale oo waddanka ku dhacday markii la joojiyey dhoofintii adhiga ee Sucuudiga xilligii cudurka Rift Valley Desease oo meelo Afrika ah la sheegay in uu ka dillaacay, xoolaha Soomaalidana la yidhi cudurkaas ayay qabaan. Arrintaasi waxa ay waddanka ku keentay dhaqaale burbur xoog leh.

Sababta labaad waxa loo aaneeyaa curyaamin siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo ka yimi mucaarid xoog leh oo xukuumadda cusub culays ku keenay sida isbahaysigii SNM iyo golihii salaadiinta iyo cuqaasha oo wakhti dambe (2001) oodaha jabsaday. Raggii xukuumadda culayska saaray ee SNM ahaa, waxa ka mid ahaa:
1. Xasan Ciise Jaamac
2. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax
3. Muuse Biixi Cabdi
5. Maxamed Kaahin Axmed
6. Ibraahim Cabdillahi (Dhegaweyne
7. Saleebaan Maxamuud Aadan
8. Xuseen Axmed Caydiid
9. Dayib Gurey, AHN
10. Abokor Cabdi Xaalays, AHN iyo rag kale oo badan.

Xukuumaddii cusbayd waxa ay gashay suti xodayood oo dhinaca siyaasadda ah iyo xaalad gunti giijis ah oo dhinaca dhaqaalaha ah. Waxa kale oo doorashadaas ka dib dhacay khilaaf weyn oo kala irdheeyey madaxweyne Cigaal iyo in badan oo ka mid ah odayaashii iyo siyaasiinyiintii Harti Waqooyi, markii dambena sii kala durkiyey Somaliland iyo Harti Waqooyi. Iyada oo awel hore tabashada Harti Waqqyi ee dhinaca saami-iyo-awood-qaysigu mar walba miiska taalley ayaa waxa soo kordhay in madaxweynuhu odayaasha degaankaas ka dhegeysan waayey wixii talo ahaa ee degaannadooda iyo dadkooda ku saabsanaa. Saluuggii waa uu weynaadey oo waxa abuurmay dareen dib u gurasho ah oo ay odayaashu kaga go’ayaan Somaliland.

Taasi waxa ay keentay in siyaasiin iyo odayaal badan ka baxaan daaradda Somaliland oo wax ka yagleelaan maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee laga aasaasay 1998. Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, AHN, garaaddo iyo odayaal uu ka mid yahay ayaa Somaliland ka baxay oo Puntland wax ka dhisay. Garaad Cabdiqani waxa uu ka mid ahaa hormoodkii nabadaynta Somaliland lugta weyn ku lahaa. Waxa uu nabadaynta iyo isu soo jiidka Reer Waqooyi ka soo bilaabay Muqdisho 1989 sidii aynu meelo kale ku xusnay ee uu ilaa SNM ugu tegey Gawlallaale iyo Balli-gubadle.

Waxa uu ka mid ahaa salaadiintii ka hawl gashay nabadaynta beelaha bariga Somaliland ee Isaaq iyo Harti Waqooyi. Waxa uu ka mid ahaa salaadiintii saxeexday baaqii shirkii Burco ee la soo noqoshada madaxbannaanida. Waxa kale oo uu ka mid ahaa salaadiintii ka shaqaysay abaabulkii shirkii nabadaynta beelaha Somalind iyo dawlad u yagleelka ee Boorame. Waxa ka saaray Somaliland ee Puntland oo la yabyabayo geeyey wax sahlan ma ahayn, waana in maanta taas jawaab loo helaa, innaga oo marag ka ah oo aragna heshiisyadii Khaatumo iyo Somaliland ee dhowaa sida ay u sii ibo-gammuurmayaan, meelo dambe ayaynu tan kaga sii hadli.

Muxuu se yidhi Faarax Nuur, AHN?
Rag kaa tegey rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay
Qalbigaan ku sii rabin indhaha la lama sii raaco!

La soco qaybta 23aad, HAI, oo ku saabsan qulqulatooyin siyaasadeed oo soo foodsaaray xukuumaddii Cigaal iyo werwer la jaanqadayey oo la xidhiidha tallaabooyin dhinaca taban loo qaaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this