Deeq A. Posted July 1, 2019 Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa degdeg ugu yeertay inuu dalka ku soo galo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmednuur Tarsan, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Go’aanka loogu yeeray Tarsan ayaa daba socdaa cabasho Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Somalia u dirtay dhiggeeda Kenya, kaddib markii qoraal la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya uu Somaliland ugu yeeray “DAL.” War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamig ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Axaddii shalay ay Wasaaraddu u yeertay danjiraha Kenya ee fadhigiisu yahay Somalia, Lt General Lucas Tumbo. Wasaaradda ayaa war-xasaafadeedkeeda ku sheegtay in danjiraha gacanta loo galiyey warqad cabasho ah oo ku aaddan farriin dhinaca twitter-ka ah, oo sida ay wasaaraddu sheegtay, uu “xad-gudub” ku jiray, kaas oo 27-kii bishii June uu qoray Mr. Machaira Kamau, wasiirka koowaad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya. War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in farriintaas twitter-ka ahi ay xad-gudub ku tahay madaxbanaanida, midnimada, sharafta xadeed, isla markaana ay dhaawacayso xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay u taagan tahay daris wanaag, is qadarin iyo iskhaasi soke oo ay yeelato dariskeeda, arrin taas la mid ahna ay Kenya ka filayso.” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites