Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Guinea Oo Uu Marti-Qaad Rasmi Ah Ka Helay..

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde.

Safarkan madaxweynaha oo qaadan doona maalmo kooban waxa warbaahinta warbixin ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisa.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport ayaa ugu horayn ka war bixiyey safarka weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this