Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Duulimaadkii ugu horreeyey ee Qatar Airways oo maanta Muqdisho yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid kamid ah diyaaradaha  Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday  Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira  Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho.

Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

65626415_2258498340872351_39151131212570 65509698_2258498277539024_30274858022894 65306232_2258498220872363_78093238392754 65801128_2258498160872369_21034568659616

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this