Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababaha keenay in shaqaale Ajaaniba lagu weeraro Berbera & Doorka Wasiirada shaqadu ku leedahay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababaha keenay in shaqaale Ajaaniba lagu weeraro Berbera & Doorka Wasiirada shaqadu ku leedahay

Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka waxaa maalmahanba ka oognaa Gobolka Saaxil Kacdoon Shaqaale,Buuq & Cabashooyin isdabajooga oo ka soo ugaamaayey shaqaalaha Muruqmaalka ee ku sugan Gudaha Berbera.

Shaqaalaha Muwaadiiniinta ee Reer Berbera ayaa ka cabanaayey shaqaale Ajaaniiba oo ku soo badanaya Magaalada Berbera islamarkaana kala wareegay Shaqooyinkii Hoose ee Muruqmaalka siiba Kuuliga & Kuwo maalinlaha ah ee bixintoodu hooseyso.

Shaqaalaha shaqada kala wareegay Muwaadiniinta Reer berbera ayey intooda badan dalka Keensadeen shirkada DP world iyo laba shirkadood oo kale oo qandaraas hoose ka qaatey oo Hawlo iyo dhismaayaal ka wada gudaha Dekeda  Iyo Madaarka Berbera.

Sida iluhu u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Shaqooyinka dadkaas ajaanibka ahi qabtaan ayaa waxaa ku jira shaqooyin hoose oo ay ku filan yihiin  Muqumaalka reer Berbera  balse loo diiday islamarkaana Dad ajaaniiba oo muqaawila debeda looga keenay iyadoo shirkadahaasi aanay wax tixgelina iyo mudnaana siin shaqaalaha muwaadiiniinta ah ee dalka ku sugan.

isku soo wada duuboo Sida xogguhu tibaxayaan waxaa arintaas shaqaaleynta dadka Ajaanibka ah ee  shirkadahaasi debeda ka keenaan ku lug leh ama  qeyb ka ah Wasiirada Shaqada Hinda Jaamac Gaani oo siisay ogolaansho ka dib markii ay kaanbineyadaasi u shubeen lacag aan ku dhicin khasnada Qaranka oo Jeebka wasiirada si toosa u gasha taas ayaana dhalisay in muruqmaalka reer Berbera sameeyaan Kacdoon islamarkaana weeraraan qaar ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah oo maanta lagu weeraray Goobahooda,dhaawacyo culculusna la gaadhsiiyey.

Halkan ka daawo sawirada Shaqaalaha Ajaaiinbta ah ee la weeraray-

2.jpg1.jpg3.jpg4.jpg5.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this