Deeq A. Posted July 1, 2019 Berbera (SMN) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa ku warramayaa in maanta weerar lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ka howlgala Dekedda weyn ee Berbera. Weerarka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen koox Soomaali ah oo ka tirsan isla muruq maalka ka shaqeysta Dekedda magaalada Berbera. Ugu yaraan shan ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ayaa la dhawaacay, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalaha Soomaalida ay ka cabanayaan in shaqadoodii ay la wareegeen kuwa Ajaaniibta, taasi oo la soo warinayo in ay sababtay weerarkaasi. Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha Ajnabiga ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Berbera, si loogu daaweeyo halkaasi. Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Balse majiro weli wax hadal oo ka soo baxay Somaliland iyo maamulka Dekedda oo ku aadan shaqaaqadaasi. Shirkadda Dp World ayaa sanadkii 2017-kii la wareegtay Dekedda Berbera, waxaana tan iyo markaasi cabasho ay ka soo yeereysay shaqaalaha Soomaalida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites