Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Cabdullaahi Cali oo sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre u caddeeyay cidda iska leh Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in wax walba oo magaca Soomaaliyeed ku yimid lagu koobay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Garaadka oo kamid ah isimada ugu caansan degaannada Puntland, ayaa tilmaamay in xataa kaydka  Taariikhda dalka ee Muqdisho yaalla, laga saaray halgamayaashii  xornimada Soomaaliya kuwooda ka soo jeeday dhulka kale ee Soomaalida,laguna koobay dadka u dhashay magaalada Muqdisho.

Garaadka ayaa ka warramay sheeko dhex-martay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, kadib markii sid uu sheegay uu su’aalay cidda iska leh magaalada Muqdisho? Iyadoo jawaabaha dhex-maray uu si weyn ugu qoslay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Garaad ayaa sheegay in maalmaha  Muqdisho laga xusayo halgankii xornimada Soomaaliya aan lagu soo darin halyeeygii curiyay calanka Qaranka  Maxamed Cawaale Liibaan, taasi beddelkeedana la soo bandhigo taariikho kale.

Halkan hoose ka daawo hadalka Garaadka

PUNTLAND POST

The post Garaad Cabdullaahi Cali oo sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre u caddeeyay cidda iska leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this