Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax-dhaqameedka Cadaado oo qaadday shirka dib u-heshiisiinta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka dhaqanka magaalada Cadaado, ayaa haatan ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba ka qeyb-geli doonin, shirka dib u-heshiisiinta Galmudug ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay sheegay in lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan ,hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka *****n waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo.

PUNTLAND POST

The post Madax-dhaqameedka Cadaado oo qaadday shirka dib u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this