Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dhaawacay shaqaale Ajnabi ah oo ka dhacay Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Ajnabiga ee ka howlgala Dekedda magaalada Berbera ee hoostagta maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhaawacay illaa shan ka mid ah shaqaalaha Ajnabiga ee ka xoogsada Dekeddaasi.

Sida ay wararka ku heshay Caasimada Online waxaa weerarka fuliyay koox Soomaali ah oo ka tirsan muruq maalka ka shaqeysta Dekedda magaalada Berbera.

Shaqaalaha Soomaalida ayaa ka cabanaya in shaqadii ay qaban lahaayeen ay la wareegeen kuwa Ajnabiga ah, islamarkaana taasi ay keentay inay weerar qaadaan.

Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha Ajaanibta ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaaladaasi, si loogu daaweeyo halkaasi.

Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah.

Illaa iyo hadda majiro wax hadal oo ka soo baxay Somaliland iyo maamulka Dekedda oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Shirkadda Dp World ayaa bishii March sanadkii 2017-kii la wareegtay Dekedda Berbera, waxaana tan iyo markaasi cabasho ay ka soo yeereysay shaqaalaha Soomaalida ah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this