Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Xisbiyada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa ku warramayaa in haatan khilaaf hor leh uu soo kala dhexgalay xisbi siyaasadeed ee ka jira maamukaasi.

Kulan gaar ahaa oo saacadiihii la soo dhaafay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada Wadani, Ucid iyo Kulmiye ayaa fashil ku soo dhammaaday.

Xisbiyada ayaa shirkaasi uga wada hadlayay sidii loo qaban qaabin laha doorashada golaha deegaanka iyo mida baarlamaanka ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay in kulanka saddex geesoodka ah uu ka soo dhammaado natiijo la’aan ay tahay kadib markii xisbiyada mucaaradku ay dalbadeen in xubno dheeraad ah loogu daro guddiga doorashooyinka maamukaasi.

Arrintan ayaa waxa ka biyo diiday xisbiga talada haya ee Kumiye, kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafka ugu weyn ee haatan soo shaac baxay ayaa salka ku haya tirada ay guddiga doorashada ku yeelanayaan xisbiyada mucaaradka.

Biixi ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmayay dhinaca mucaaradka, iyaga oo dhaliilo isu marinayay dhanka Warbaahinta.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this