Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay in 11 askari ay ku dishay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa kuwo Miino ah ayaa Al-Shabaab waxa ay baahiyeen in ay la beegsadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay agagaarka degmada Bardaale ee gobolkaasi.

Qaraxa koowad ayey sheegeen inuu haleelaya gaari Uural ah oo ay wateen ciidamadaasi, kuna dileen 11 Askari Itoobiyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigen.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in gaariga uu qaraxu qabsaday oo uu ku xirnaa qoriga Zuugga ah uu gabi ahaan burburay.

Dhinaca kale qarax labaad ayey tilmaameen in ay la eegteen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaasi khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ciidamadaasi, wallow aysan shaacin inta uu la’egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay AMISOM iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaasi.

Inta badan dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this