Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dilay Xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Booliska magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa xabsiga dhigay nin xaaskiisa habeenkii xalay ahaa Dilay.

156191426413c45.jpg

Ninka dilay afadiisa oo la sheegay in da’diisa ay tahay meel dhexaad ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwali Ibraahim Nuur.

Booliska ayaa sheegay in 20 mar uu ninkaan u gacan qaaday xaaskiisa ugu dambeyna ay u Geeriyootay.

Dadka dariska la ahaa ayayna u suura-galin in haweeneyda la dilay ay ka badbaadiyaan Seygeeda.

Meydka ayaa waxaa laga soo qaaday xaafada uu falkaan ka dhacay oo lagu magacaabo Buula Jamhuuriya oo ka tirsan badhtamaha magaalada waxaana la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Mandera.

Falkaan ayaa naxdin iyo amakaag ku abuuray shacabka ku dhaqan gobolka waqooyi Bari Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this