Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Digniin Culus U Diray Dagaal-yahanada Mucaaradka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay inay jawaab ka bixin doonaan weerar kasta oo ka dhan ah danaha Turkiga ee dalka Liibiya.

15619255799bc1a.jpg

Arintaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii Jeneraal Khaliifa Haftar uu ku amray maleeshiyada uu hoggaamiyo inay weerar ku qaadaan maraakiibta Turkiga.

Waxaa jiri doonta in jawaab cad aan ka bixino weerar kasta oo lagu qaado maraakiibta ganacsi iyo muwaadiniinteena, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee Anadolu u sheegay Mr Akar.

Wuxuu intaa raaciyay in ay garan doonaan sida uu Turkiga uga fal celiyo ficil kasta oo ka dhan ah danahiisa Liibiya.

Jenaraal Khaliifa Haftar ayaa sheegay in Turkiga uu qeyb ka ahaa dagaal toddobaadkii hore dhexmaray ciidanka amniga Liibiya iyo maleeshiyada ku sugan magaalada Bengazi ee bariga Liibiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this