Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawacyo Ka Dhashay Dibadbaxyadda Ka Socda Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Ugu yaraan 7 Dibadbaxayaal ayaa geeriyootay, in ka badan 180-kalena wey dhaawacmeen, kadib markii la rasaaseeyey Dibadbaxayaal isugu soo baxay Xarumaha dhexe ee Milliteriga iyo qeybo ka mid ah Waddooyinka caasimadda dalkaasi ee Khartuum.

SUDAN-1-750x430.jpg

Dibadbaxayaasha waxay doonayaan inay cadaadis ku saaraan madaxda golaha Milliteriga ee ka taliya dalkaasi inay Dowlad Rayid ah ku wareejiyaan Xukunka.

Guddiga Dhakhaatiirta Suudaan ee gacan-saarka la leh Dhaqdhaqaaqa Dibadbaxayaasha waxay mar sii horreysay sheegeen in ugu yaraan 5 qof lagu dilay Dibadbaxyadda, oo 4 ka mid ah lagu dilay magaalada Ondormaan ee mataanka la ah Khartuum.

Ku-xigeenka Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, Jeneral Maxamed Xamdaan Dagalo waxa uu sheegay in ayna Ciiddanka ku lug lahayn Toogashadaasi, wuxuuna ku eedeeyey inay shaqsiyaad aan la aqoonin geysteen toogashadda lagu dilay dadka rayidka iyo xubno ka tirsan Ciiddanka.

Bishii la soo dhaafay ee June 3-dii, in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay Dibadbaxyo ka dhacay duleedka Xarumaha Dhexe ee Milliteriga ee magaalada Khartuum

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this