Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Xoogan Oo Saaka Ka Dhacay Meel U Dhaw Safaarada Mareykanka Ee Dalka Afghanistaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kapul)-Qarax xoogan ayaa laga maqlay imika magaalada caasimada u ah dalka Afghanistaan, sida ay tabinayaan warbaahinta Maxaliga.

1561961343a3f73.jpg

Goob joogeyaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow dhismaha safaarada Mareykanka.

Dhawaqa qaraxa ayaa si xoogan looga maqlay dhismayaasha ku yaalla halkaasi oo ku sugan yihiin diblumaasiyiin ka soo jeeda badi wadamada reer Galbeedka.

Saraakiisha ciidanka amniga ayaa isku gadaamay goobta iyada oo aan la ogeyn khasaraaha dhabta ah ee ka Dhashay.

Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa wadadaas waxaa ka jiray saxmad badan maadama dadka ay u kala rawaaxayeen howlahooda Caadiga.

Afhayeenka wasaarada amniga Afghanistaan Nasrat Rahimi ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay agagaarka wasaarada Gaashaandhiga.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliska magaalada Kabul Firdous Faramaz ayaa xaqiijiyay qaraxan, walow aanu ka hadlin khasaaraha ka dhashay iyo cidda lala Beegsaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this