Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay oo ballan-qaadkii u horreeyay sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay, sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay madax-bannaanida dalka.

Mr James Swan ayaa sheegay in burburkii kadib, Soomaaliya ay weli ka jiraan dhibaatooyin badan, balse  ay ku faani karaan horumarka dalku samaynayo, islamarkaana ay jirto fursad abuuraysa in raja laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan.

Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhamaan dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo dunida dacaladeeda. In-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana maanta waa malin ay dadka Soomaaliyeed  ku faani karaan horumarka la sameynayo. Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan” ayuu yiri Mr Swan.

Sidoo kale, wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Caalamku, ay si Soomaaliya kala shaqeyn doonaan dhinacyada Amniga, horumarinta Dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo la’dagaallanka Musuq maasuqa iyo arrimaha Banii’aadanimada.

Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga, u-wadadhamaansho iyo la tacaalidda baahida bani’aadanimo. Qaramada Midoobay waxay u dabaabldegeysaa sanad guuradan iyadoo u ballan-qaadaysa dadka Soomaaliyeed garab-istaag bilaha iyo sanadaha soo socda.” ayuu sii raaciyay

PUNTLAND POST

The post Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay oo ballan-qaadkii u horreeyay sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this