Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo qodobo xasaasi ah hordhigay Xaaf

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxdweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafo oo Shalay  soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo.

Xaaf oo ay garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka  una badnaa kuwa daacadda u ah Dowladda ayaa si toos ah loogu gudbiyey Xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo uu kulan qorsheysan kula qaatay Farmaajo.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran oo ay adkeyd in xog badan laga helo ayey shabakadda Caasimadda Online u suurta gashay inay hesho xog ku saabsan waxyaabihii ay labada Mas’uul ka wada hadleyn.

Kulankaan oo dhicintaankiisa uu markii horaba kasoo shaqeeyey Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wuxuu ujeedkiisa ahaa sidii uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ugala shaqeyn lahaa Dowladda Soomaaliya doorashada la filayo inay ka dhacdo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xaaf hordhigay qodobo dhawr ah oo ay Dowladda Soomaaliya ka rabto inuu sameeyo, waxaana noo suurta gashay inaan helno qaar ka tirsan qodobadoo ay labada dhinac ka wada hadleyn.

1) Inuusan isku soo sharaxin Doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha Galmudug Xaaf ka codsaday inuusan isku so sharaxin doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Galmudug maadaama dowladda Soomaaliya ay rabto inay halkaas madaxweyne uga dhigto shakhsi ay wadato.

Ilaa hadda si cad looma ogaan inuu Xaaf aqbalay qodobkaan ah inuusan mar kale isku soo taagin xilka Madaxweynimo ee Galmudug .

2) Inuu Xaaf kala shaqeeyo Dowladda dhicitaanka Doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xaaf usoo bandhigay inuu Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo inay dhacdo doorashada Galmudug isla markaasna uu magacaabo guddi doorasho oo soo xulustiisa ay qeyb ka noqoneyso Dowladda Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa inay labada dhinac isku fahmeyn arrintaas.

3) Ballanqaadkii Xaaf loo sameeyey

Waxaa jiro heshiis maaliyadeed oo ay horey ugu balameen Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xaaf, waxaana kulanka la isku hadal qaaday fulinta ballan qaadkaas ka hor inta aan loo gudbin fulinta qodobada kale ee heshiiska ku jirto.

Sida illo xog ogaal ah oo u dhow Xaaf inoo xaqiijiyeen, Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo Dowladda Soomaaliya ka qaato lacagtii lagu heshiyey oo keentay inuu Xaaf aqbalo doorashada Galmudug inay dhacdo 4 July.

Lacagtaas ayaa qiyaas ahaan lagu sheegay inay tahay mid u dhaxeyso 2 illaa 3 Malyan oo Dollar, waxaana lacagtaas qeyb ka ah lacagihii horey looga xayiray Maamulka Galmudug oo hadda loo isticmaalayo in Xaaf uu ogolaado doorasho iyo inuu magacaabo guddi doorashada oo ay  raadi ka tahay Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jiray qodobo kale oo laga wada hadlay, waxayna labada dhinac ku balameen in fadhi kale la isugu soo laabto.

Booqashadan ayaa timid kadib markii khilaafkii ka dhexeeyay dowlada federalka iyo Maamulka Galmudug lagu soo xaliyay magaalada Cadaado oo uu booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddo badan hal sano ka badan aan imaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii heshiis laga gaaray.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this