Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow oo ku biiray dagaal laba maalmood socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Degaan qiyaastii 30 KM u jira degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid aad u qaraar ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay oo wali isku hor-fadhiya aagga dagaalka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan Ciidamo katirsan Maleeshiyaadkii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku sugan degaan u dhaw halka lagu dagaalamayo.

Ciidamada Abuu Mansuur ayaa dagaalka galay galabtii Sabtida ee todobaadkaan markii ay Ciidamada dowladda culees kala kulmeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in la jebiyay Al-shabaab markii ay dagaalka soo galeen Ciidamada Abuu-mansuur.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool Maxamed Macalim ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada Abuu-mansuur ay dagaalka qayb ka yihiin islamarkaana ay ku yimaadeyn dalab ay sameeyeen Saraakiisha Ciidanka dowladda ee dagaalkaasi hogaamineysay.

“Waa dhab Ciidamada Abuu Mansuur waa nagu wehliyaan dagaalka waxayna ku yimaadeyn dalab ay soo dirsadeen Saraakiisha howlgalka qaaday” ayuu yiri Maxamed Macali Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in ay ka rajo dhigeyn hogaanka dowladda Soomaaliya ee xiligaan shaqeeya islamarkaana ay isku tashanayaan inta laga helaayo dowlad cusub oo dalka samata-biixsa sida uu hadalka u dhigay.

“Muddo 6 sano ah ayaa go’doon ku jirnaa, hubkii waa naga dhamaaday iyo dhamaan saanaddii, markii aan la xiriirnay DF-ka Soomaaliya nooma jawaabin waana ku daalnay” ayuu yiri Maxamed Macalim Guddoomiyaha degmada Xudur.

Al-Shabaab ayaa qiyaastii muddo 7 sano ah go’doon geliyay degmooyin katirsan gobalka Bakool waxaana degmooyinkaas kamid ah magaalo madaxda gobalka ee Xudur kadib markii ay gacanta u gashay Ciidamada Soomaaliya dhowr sano ka hor.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this